Tilmaamaha khuseeya codsashada kaalmada dhaqaale ee gaarka ah

Instruktioner till ansökan om särskilt bidrag – somaliska

1. Xogta shakhsi ahaaneed

Ku buuxi xogta shakhsi ahaaneed ee qofka codsigu uu khuseeyo.

2. Ka soo warbixi xaaladaada dhaqaale

  • 2.1. Ku buuxi haddii adiga iyo lammaanahaagu aad leedihiin dakhli idinka soo gala mushaharo shaqo ama kaalmo dhaqaale oo ka timaada hey'ad ama urur kale, tusaale ahaan lacagta jirrada, lacagta waalidka ama lacagta carruurta ee idiinka timaada Qasnadda caymiska (Försäkringskassan). Haddii codsiga loo samaynayo ilmo, dakhliga waalidka waa in sidoo kale lagu soo buuxiyaa. Ku buuxi lambaro/tirooyin.
  • 2.2. Ku buuxi haddii adiga iyo lammaanahaagu aad haysataan lacag kaashka ah oo ka badan gunnada maalinlaha ah ee idiinka timaada ee Hey'adda laanta socdaalka. Haddii codsiga loo samaynayo ilmo, lacagta kaashka ah ee waalidka waa in sidoo kale lagu soo buuxiyaa. Ku buuxi lambaro/tirooyin.
  • 2.3. Ku buuxi haddii adiga iyo lammaanahaagu aad leedihiin hanti dhaqaale, tusaale baabuur, lacag idiin taala bangiyada Iswidhan ama dibadda, shirkad aad leedihiin, saamiyo ama hanti aad waddamada dibadda ku iibin karto si aad lacag khaasha ah uga heshaan. Haddii codsiga loo samaynayo ilmo, waa in sidoo kale hantida waalidka lagu soo buuxiyaa. Ku buuxi lambaro/tirooyin.

3. Saxiix

Markaad saxiixdo codsiga, waxaad caddaynaysaa sharaftaada iyo damiirkaaga in

  • macluumaadka aad ku sheegtay codsiga uu sax yahay
  • waxaad fahantay inay khasab kugu tahay inaad ka soo warbixiso isbedelada dhaqaalahaaga ee kugu yimaada kuwaas oo saameyn kara xaq u lahaanshaha, ama inta ay leekaanayso, kaalmada dhaqaale
  • waxaad ka warqabtaa in macluumaadka aad sida khaldan u bixisay loo arki karo xadgudub ka dhan ah kaalmada dhaqaale, kaas oo horseedi kara dacwada booliiska loo gudbiyo
  • waad fahantay waxa aad saxiixday.

4. Doorashada xirmada kaalmada dhaqaale ee gaarka ah

Isku tallaab saar xirmada aad ka codsanayso kaalmada dhaqaale ee gaarka ah. Haddii waxa aad rabto inaad codsato ee kaalmada dhaqaale ee gaarka ah aanay ku jirin xirmooyinka, u gudub markaa qodobka 5aad (daryeelka caafimaadka iyo daawada) ama qodobka 6.

5. Codsiga kaalmada dhaqaale ee kharashyada daryeelka caafimaadka iyo daawada

Isku tallab saar meesha bannaan waxa aad rabto in aad codsato ka bacdina si faahfaahsan u sharax waxa kaalmada dhaqaale aad uga baahan tahay. Ku soo lifaaq rasiidhada iyo caddaymaha daawooyinka waraaqaha dhakhtarku qoray ee meesha magacu ka muuqdo.

6. Sharaxaad ka soo bixi baahidaada haddii aanay ku jirin xirmooyinka caadiga ah

Haddii waxa aad rabto in aad u codsato kaalmada dhaqaale ee gaarka ah aanay ku jirrin qodobka 4aad ama qodobka 5aad, si cad u qeex waxa aad ugu baahan tahay kaalmada dhaqaale iyo inta lacag ee aad u baahan tahay si aad u iibsato badeecada ama adeegga. Sidoo kale soo sharax sababta aad ugu baahan tahay badeecada ama adeegga. Ku qor dukumeentiyada aad soo raacinayso codsiga.

Waxaa muhiim ah inaad si sax ah u buuxiso codsiga si ay Hey'adda laanta socdaalka go'aan uga gaarto iyadoo aanay adiga ku weydiin macluumaad dheeri ah. Haddii ay maqnaadaan maclaamaadyo, Hey'adda laanta socdaalka ayaa go'aansan karta inay diido codsigaaga sababtoo ah ma soconayso in la qiimeeyo baahidaada.

U keen foomka qaybta qaabilaadda ee adiga ku qaabilsan ama u soo dir foomka qaybta qaabilaadda.

Cinwaannada boostada ee Hey'adda laanta socdaalka qaybaheeda qaabilaaddaha

Last updated: