Caafimaadka- iyo daryeelka jirooyinka ee loogu talogalay dadka magangelyo-doonka
Hälso- och sjukvård för asylsökande – somaliska
Qofka wadanka Iswiidhan ka codsanaya magangelyo wuxuu xaq u leeyahay jirooyinka degdega ah- iyo daryeelka ilkaha iyo dareelada ama jirooyinka aanu qofku sugikarin.
Wadanka Iswiidhan hawlaha guud ee la xiriira caafimaadka- iyo daryeelka jirooyinka waxa wada oo gacanta ku haysa maamulka gobolka caafimaadka ama gobolka. Waxay iyagu ku baahsan yihiin oo laga helikaraa wadanka oo dhan.
Haddii aad adigu jirato ama aad dhaawacanto waxaad marka hore la xiriiraysaa rugta caafimaadka ee aad ka tirsan tahay (vårdcentral). Inta badan wakhti ayaad u baahan tahay inaad sii ballansato inta aanad rugta caafimaadka aadin ama tegin. Haddii aad adigu si kedis ah u jirato oo aad ambalans u baahato waxaad soo wacaysaa lambarka degdega loogu talogalay oo ah 112.
Halkan hoose ee qoraalkan waxaad ka helaysaa warbixin ku saabsan sida aad u helayso jirada aad u baahan tahay iyo meesha aad talooyinka ka helyso ama aad ka heleyso warbixino intaa dheer.
Xaq u lahaanshaha daryeelka caafimaadka
Marka aad adigu wadanka Iswiidhan waydiisato magangelyo waxaad xaq u leedahay daryeelka jirooyinka iyo daryeelka ilkaha iyo in lagaa daryeelo jirooyinka aanad sugukarin. Daryeelka caafimaad ee aad adigu u baahan tahay in lagu siiyo waxa go’aan ka gaaraya maamulka gobolka caafimaadka/gobolka. Waxaad kaloo adigu xaq u leedahay daryeelka dhalmada, daryeelka markuu qofku ilmo iska soo ridayo, talobxinta ka hortaga dhalmada, daryeelka xannaanada hooyooyinka iyo daryeelka caafimaadka sida uu dhigayo sharciga ilaalinta cudurada faafa (waa sharci ka hortegeya in cudurada lagusu daartaa aanay faafin)
Carruurta magangelyodoonka ah iyo dhallinyarada ay da’ doodu ka hoosayso 18 jir waxay xaq u leeyihiin daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkaha sida carruurta wadanka Iswiidhan deggen oo kale. Daryeelka caafimaadka carruurtu waa bilaash, laakiin way kala duwanaankartaa iyada oo ay ku xiran tahay meesha uu qofku deggen yahay.
Daawooyinka carruurtu waa bilaash oo lacag ma aha haddii uu dhakhtarku warqad daawada lagu qaadanayo ilmaha u qoro. Waxaad adigu xaq u leedahay in turjubaan laguu qabto marka aad la kulmayso shaqaalaha daryeelka caafimaadka. U sheeg shaqaalaha marka aad wakhti ballansanayo inaad turjubaan u baahan tahay.
Baaris caafimaad
Dadka magangelyodoonka ah dhammaantood waxa loo soo bandhigayaa in la siiyo baaris caafimaad. Waxa sida ugu dhakhsaha badan laguu soo dirayaa warqad taas oo ku saabsan baaris caafimaad oo bilaasha marka aad magangelyo weydiisato wadanka.
Baaritaanka caafimaad ee lagugu samaynayaa saamayn kuma yeelanayo magangelyo doonimadaada. Adiga ayaa laguugu talogalay si laguu siiyo kaalmo haddii aad daryeel jiro u baahan tahay. Marka baarintaanka lagugu samaynayo waxaad heleysaa in tallo bixin lagaa siiyo su’aalaha la xiriira caafimaadka, in laguu soo bandhigo in lagaa qaado dhiigag iyo in lagu siiyo warbixino la xiriira caafimaadka- iyo daryeelka jirooyinka ee wadanka Iswiidhan jira. Shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka caafimaadku uma shaqeeyaan Hey’adda laanta socdaalka waxaanay ku khasban yihiin in aanay sheegin wixii xog ah ee loo sheeo (tystnadsplikt)
Qasabka iyo ku xadgudbida galmada
Dad badan oo magangelyodoon ah ayaa wadamadoodii ama intii ay wadanka Iswiidhan u soo socdeen loo geystey in la qasbo ama lagu sameeyo xadgudub galmo. Marka qofka sidaa lagu sameeyo dhibaato ayaa ka soo gaaraysa jir ahaan iyo maskax ahaanba waxyaabihii uu u soo joogay. Dhaawacaa jirka ka soo gaaraya ka sokoow waxa kale oo qofka ku dhicikaro niyad jab, inuu welwelo ama ay hurdadu ku adkaato inuu seexdo. U sheeg shaqaalaha daryeelka caafimaadka marka lagu baarayo dhibaatooyinka ku haysta, si ay adiga kaaga caawiyaan oo aad u hesho daawayn sax ah.
Wadanka Iswiidhan waa mamnuuc wax kasta loo la halmaala qasbida iyo xadgudubka galmadu. Marwalba waxa ka mas’uula qofka adiga dhaawaca kuu geystey, adigana weligaa laguma ciqaabayo maadaama aad tahay qofkii la qasbay ama lagu sameeyey galmo xadgudub ah. Arrintani way khuseysaa iyada oo aan loo eegayn xiriirka ka dhexeeya labada qof, waxay tusaale ahaan xitaa khuseysaa kufsiga dadka is-qaba iyo edbinta carruurta. La xiriir booliiska haddii adiga dhibaato laguu geystey.
Gudniinka dumarka
Annagu waanu ognahay in wadamo badan oo adduunka ku yaalaan dumarkad eggen la gudo ama la xalaaleeyo. Waa marka uu qof gabar yar ama qof dumar ah hoostooda qalo ee uu wax ka jaro. Dumarka oo la xalaaleeyo ama la gudo wadanka Iswiidhan ilaa xad ayuu mamnuuc ka yahay waxana loo arkaa inuu yahay dembi culus.
Qofka sidaa lagu sameeyey waxay dhibaato ka soo gaarikartaa jirka iyo maskaxdaba. Haddii uu adiga qof arrintaa kugu sameeyey ama gabar aad dhashay ku sameeyey oo aad adigu ama gabar aad dhashay ay arrintaasi dhibaato idinku hayso waxaad caawimo ka heleysaan daryeelka caafimaadka. La hadal oo usheeg shaqaalaha baaritaanka caafimaadka samaynaya ama rugta caafimaadka ee adiga kuu dhown
Cudurada galmada lagu kala qaado
Waxaad adigu xaq u leedahay inaad hesho oo lagu siiyo aqoon ku saabsan sida aad isaga ilaalinayso cudurada galmada lagu kala qaado iyo siyaabaha aad ugu fogaanayso in aanad adigu cudur ku daaran dadka kale. Tusaale ahaan cudurada galmada ku faafa waxa ka mid ah cudur sida jabtida oo kale ah (klamydia), cagaarshoowga ama jooniska, jabtida (gonorré), iyo cudurka waxyeellada u geystay unugyada daafaca jirka (hiv). Haddii aad adigu ogtahay inaad qabto cudur noocan oo kale ah waxaad ku khasban tahay inaad u sheegto shaqaalaha daryeelka caafimaadka sida uu dhigayo sharciga iswiidhan si aad markaa u hesho daryeel sax ah iyo si aad uga isaga ilaaliso in aanad dadka kale ku daaran. U sheeg shaqaalaha marka adiga baarintaanka lagugu samaynayo. Haddii aanad adigu hubin in cudur lagugu daartay shaqaalaha ayaa dhiigag tijaabooyina kaa qaadaya.
Qalabka iyo daawooyinka ka hortaga uuraysiga iyo xannaanada hooyooyinka
Wadanka Iswiidhan xannaanada hooyooyinka iyo daryeelka umulidu ee dadka magangelyo doonka ah waa bilaash. Arrintaasi waxay xitaa khuseysaa marka uu qofku ilmo iska soo ridayo. Waxaad kaloo xiraa xaq u leedahay in lagu siiyo tallooyin ku saabsan qalabka iyo daawooyinka loo adeegsado ka hortaga uuraysiga, si aad markaa adigu u doorato inaad doonayso inaad waalid noqoto. Gabdhaha iyo wiilashuba waxay labaduba xaq ayey u leeyihiin inay helaan macluumaadka ku saabsan siday naftooda iyo dadka kaleba uga ilaalin laayeen uurka.
Waxa jira noocyo badan oo qalab oo qofka ka ilaalinkara uurka, Kondhomka waxaad ka gadabkartaa farmashiiyaha ama dukaamada cuntada gada. Haddii aad doonayso nooc kale oo qalabka ka mid ah oo ilaaliya uurka waxa warqad kuu qorikara qof dhakhtar ama qof umuliso ah nooca aad isku afgartaan inuu adiga kugu haboon yahay. Qolabka iyo daawooyinka ka hortaga uurka waa u bilaash dadka ay da’doodu ka yar tahay 18 sannadood.
Haddii aad adigu tahay qof dumar ah oo uur leh waxaad la hadlikartaa shaqaalaha caafimaadka marka baaritaanka caafimaadka lagugu samaynayo, ama waxaad la xiriiri kartaa daryeelka caafimaadka hooyooyinka ee takhtarka adiga kuugu dhow, si aad ugu sheegto daryeelka caafimaad ee aad adigu u baahan tahay.
Caafimaad darrada maskaxda
Waa wax caadi ah inuu qofku ka fekero marka uu sugayo go’aan ku saabsan magangelyodoonimadiisa sida uu noqondoono mustaqbalkiisu ama go’aanka laga gaaridoono. Dad badan oo magangelyo-doon ah ayaa sidoo kale dareen xun qaba waxaana u sabab ah dhibaatooyinkii ay soo mareen ama waxay ka welwelsan yihiin reerahoodii. Caafimaad darrada dhinaca maskaxda waxa tusaaale ahaan ka mid ah welwel, hurdada oo qofka ku adkaata ama isaga oo uu qofku dareen murugo iyo awood darro..
Waxaad adigu caawimo iyo taageeraba ka heleysaa takhtarka ku yaala meesha aad deggen tahay. U sheeg shaqaalaha caafimaadka marka adiga baaritaanka lagugu samaynayo. Haddii aad welwelsan tahay inuu ilmu kaa jiran yahay waxaad la hadlikartaa shaqaalaha ka shaqeeya rugta daryeelka caafimaadka carruurta ama waxaad u sheegikartaa iskuulka uu ilmuhu dhigto.
Naafada
Marka baaritaanka caafimaadka lagu baarayo waxaad kaloo xitaa haysataa fursad ah inaad adigu sheegto, ama haddii aad rumaysatahay inaad tahay qof meel la’ oo naafo ah. Waa haddii aad tahay qof uu karaankiisa dhinaca waxqabad ee ku aadan jirka, maskaxda ama garaadku uu kala dhimman yahay
Haddii aad tahay qof kala dhimman oo naafo ah oo ay kugu adkaato adiga inaad dadka xiriir la samayso marka aad magangelyada codsanayso waxaad markaa helysaa in arrintaa lagaa caawiyo. Qofku markuu naafo yahay ma aha inay qofkaas caqabad ku noqoto in uu helo sharciga deggenaanshaha.
Haddii aad tahay qof naafo ah oo meel la’ kadibna ay wadanka Iswiidhan sharciga deggenaanshaha ah ku siiyo waxaad xaq u leedahay in kaalmo lagu siiyo si ay adiga kuugu fududaato sidii aad bulshada iswiidhishka ah u dhegeli lahayd.
Daryeelka ilkaha
Haddii aad tahay qof weyn xaq ayaad u leedahay daryeelka ilkaha degdega ah. Takhtarka ilkaha ayaa qiimaynaya in baahidaada ilkuhu ay tahay mid degdeg ah iyo sida laguu daaweynayo. Carruurta yaryari waxay iyagu xaq u leeyihiin waxyaabaha degdega ah iyo in xitaa laga daaweeyo oo laga hortago wixii dhibaato ilmkahooda ku keenaya. Takhtarka ilkuhu carruurta Iswiidhan ku nool oo dhan waa u bilaash oo lacag ma aha iyaga.
Haddii aad adigu u baahan tahay takhtar ilku waxaad u tegeysaa meelaha ay ku yaalaan Daryeelka ilkaha ee dadweynuhu (Folktandvården) ama takhaariirta ilkaha ee ay maamulka gobolka caafimaadku/gobolku ay dadka u diraan.
Baaritaanka aragtida iyo miraayadaha indhaha
Hadii ay ku tahay inaad adigu ubaahan tahay miraayadaha indhaha la xiriir qaybtaada qaabilaada oo ka dalbo kaalmo dhaqaalo oo khaasa ee baaritaanka aragtida iyo miraayadaha indhaha ah. Waa gacan yaraha hay’adda socdaalka midka go’aaminaya inaad helayso baaritaan aragti. Marka aad hesho go’aanka ah in laguu ogolaaday baaritaan aragti markaas ayaad balan ka qabsan kartaa dukaamada miraayadaha oo waana inaad ku samaysaa muddo sadax asbuuc gudahood. Hadii dukaanka miraayadaha uu qiimeeyo inaad u baahan tahay miraayado markaas iyaga ayaa kuu dalbaya miraayado uu lacagtiisu bixinayso hay’adda socdaalka.
Daawada
Farmashiiyaha waxaad ka gadankartaa daawooyin kala duwan iyo badeecado kale oo caafimaadka loogu talogalay. Waxaad kaloo halkaa ka soo qaadankartaa daawo takhtarku kuu soo qoray oo aad warqad ku soo qaadankarto. Xusuusnow waa inaad tusto kaarkaaga LMA-ga marka aad soo qaadanayso daawo uu takhtar warqad.kuugu soo qoray. Markaa waxaad adigu daawooyinka inta badan ee uu takhtarku kuu soo qoro aad bixinaysaa lacag yar
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka bukaanka
- Bogga internetka ee http://www.1177.se/ External link, opens in new window. waxa ku yaala warbixino ku kala qoran luqado kala duwan oo ka hadlaya cudurada iyo sida uu u shaqeeyo daryeelka bukaanka ee wadanka Iswiidhan. Waxaad kaloo halkaa ka heleysaa telefoonada ay leeyihiin meelaha rugaha caafimaadyada (vårdcentraler) iyo takhaatiirta ilkaha ee ku yaala magaaladaa aad adigu deggen tahay.
- Waxaad kaloo xitaa wicikartaa meesha laga Hago daryeelka caafimaadka telefoonkoodu waa 1177. Waxaad halkaa kala hadli kartaa kalkaaliye caafimaad oo kaaga jawaabidoona wixii su’aalo ah ee aad qabto waxay kaloo ku siinayaan tallooyin ku saabsan daryeelka bukaanka. Waxay kaloo kalkaaliyaha caafimaadku qiimeyndoontaa daryeelka aad u baahan tahay inta uu leegyahay, waxaanay markaa kuu diridoontaa takhtarka saxda ah ee adigu u baahan tahay.
- Bogga https://www.rfsu.se/upos External link, opens in new window. waxa ku jira warbixino ku saabsan filimo loogu talogalay qofka doonaya inuu oggaado waxyaabaha ku saabsan jirka, galmada iyo caafimaadka. Filimadu waxay ku hadlayaan luqado badan oo kala duwan. Halkan waxyaabaha aad ka heleyso waxa ka mid ah qalabka iyo daawooyinka loo adeegsado ka hortaga uuraysiga, ummulida iyo uuraysiga.
- Bogga internetka ee http://www.youmo.se/ External link, opens in new window. waxa ku yaala macluumaad loogu talogalay dhallinyarada caafimaadkooda, cida ay xiriirka la leeyihiin, lagmada iyo waxyaabo badan oo kale oo ku qoran luqado kala duwan.
- Khadka nabada ama deggenaanshaha wuxuu qofka dumarka ah ee loo geystey haday nqoto hanjabaada, jirdil, dhinaca maskaxda ama galmadaba loo soo bandhigayaa tallooyin iyo caawimo soo wac telefoonka 020-505050. Turjubaan ayey kuu qabandoonaa muddo daqiiqado ah. Waxaad kaloo macluumaad dheeraad ah ka akhriyikartaa bogga internetka ee kvinnofridslinjen.se. Waxa ku yaala warbixino ku kala qoran luqado kala duwan.
- Shaqaalaha ka shaqeeya qaybta adiga ku qaabilsan ama shaqaalaha guriga aad deggen tahay ka shaqeeya ayaa kaa caawinaya sidii aad adigu u helilahayd warbixino dheeraad ah iyo meesha aad la xiriirayso si aad u hesha daryeel caafimaad oo saxda ah iyo meesha uu kaga yaalo magaalada aad deggen tahay.
Raacida baabuurka markuu qofku jiran yahay
Haddii ay jirto sabab dhinaca caafimaadkaaga ku saabsan oo aanad adigu keligaa ahayn qof isdeberikara inuu aado takhaatiirta, waxaad ballansankartaa baabuur ku qaada. Waxa kale oo lagu siinayaa lacag taas oo laguugu bedelayo haddii ay lacagi adiga kaaga baxday gaadiidkii aad u sii raacday ama aad kaga timid markii aad takhtarka la kulmaysay ujeedadu ay ahayd in lagu daaweeyo. Qofka ku daryeelaya ama takhtarka ayaa qiimaynaya inaad adigu xaq u leedahay in baabuurka dadka jiran qaada laguu ballamiyo. Waxaad wacaysaa telefoonka hagida daryeelka caafimaadka 1177 si laguu siiyo warbixin intaa dheer waxyaabaha khuseeya maamulka caafimaadka gobolka/gobolka aad adigu deggen tahay.
Soo qaado kaarkaaga LMA-ga
Marka aad adigu booqanayso meelaha daryeelka jirooyinka ama takhaatiirta ama aad daawo farmashiiyaha ka soo qaadanayso, waxaad u baahan tahay inaad tusto kaarkaaga LMA-ga ah. Haddii aan wali kaguu samayn kaarka LMA-ga waxaad tusaysaa warqadda lagu siiyey ee rasiidka ah taas oo caddaynaysa inaad tahay qof magangelyo-doon ah. Waxaad marmarka qaarkood bixinaysaa kharash yar oo loogu talogalay inay bixiyaan dadka jiran haddii aad tusto kaarkaaga LMA-ga marka aad booqanayso takhaatiirta ama meela daryeelka jirooyinka. Sidoo kale lacag yar ayaad inta badan bixinaysaa marka aad daawooyinka ku iibsanayso warqadda rasiidka ah ee uu takhtarku qoro haddii aad kaarkaaga tusto farmashiiyaha.