Si xor ah dib u noqosho

Frivillig återvandring – somaliska

Isla sida aad adiga xaq ugu leedahay inaa difaac magangelyo ka codsatid Iswiidhan baa xita adiga xaq u leedahay inaa dib ugu noqon kartid wadankaadii hooyo ama wadan kale oo xaq u leedahay inaa ku noolaatid. Halkan waxaad ka akhrisankarta lacagaha kaalmada ey Hey’adda socdaalka adiga ku siin karto xilliga aad dib u noqoneysid.

Adiga waxaa soo cods­ankarta kaalmo dhaqaale

Haddii aad go’aansatid inaa ka guurtid Iswiidhan adiga waxaa ka soo codsankarta Hey’adda socdaalka lacag kaalmo oo dib noqosho.

Yaa la siin lacagta kaal­mada?

Adiga oo haysto ruqsada degnaanshada ku sii meelgaarka ama ruqsada degnaanshada joogtada oo Iswiidhan waa soo codsankarta lacagta kaalmada oo

  • ah qof qoxooti
  • ah qoxootiga xeeryada laga soo qaaday
  • ah magangelyodoon baahi u qabo difaacid oo sababo kale
  • ah magangelyodoone sabab qaas haystay
  • ama ah qof ku helay ruqsada degnaanshada qof ehel oo kuwa korkaan ku qoran kamid ah.

Dadka qoyska kamid ah

Marka adiga soo codsaneysid lacagta kaalmada baa waxaa xita isla markas u soo codsan lacagta kaalmada oo dadkale oo qoyskaada kamid ah (ninkaada/xaaskaada iyo carruurtaada ka yar 18 sano). Haddii ey jirto sababo qaas ah bey xita dadka kale qaraabada oo kula nool helikaran lacagta kaalmada, tusaale ahaan qofka nolosha kula waadaago ama canugaaga oo buuxiyay 18 sano.

Yaa la siineyn lacagta kaal­mada?

Adiga ma helikartid lacagta kaalmada haddii

  • aad tahay muwaadin iswiidhish
  • aad heshay ruqsada degnaanshada oo qoxooti qaabilida iyo ka imaatay Ukraina
  • aad haysatid lacag adiga ku filan oo adiga iska bixin kartid safarka
  • deyn lagugu leeyahay Iswiidhan.

Ilaa intee waaye qadarka lacagta kaal­mada?

Lacagta kaalmada waa 10 000 kronor qofkiiba oo weyn iyo 5 000 kronor canugiiba oo ka yar 18 sano. Hal qoys ugu badnaan wuxuu heli kara 40 000 kronor.

Haddii lacagta kaalmada laguu oggolaado markas Hey’adda socdaalka baa kaa bixin kharashka safarka xita. Laakin ma lagu siin lacag kaalmo oo haddii aad dooneysid inaa wadankaada booqatid ama kharashka oo rarid maacuun.

Waxy­aa­bahee baa adiga u baaha­na­tahay inaa koow iska hubisid marka aad soo cods­a­neysid?

  • Waa qasab in adiga haysatid baasaboor ansaxsan oo wadankaadi hooyo (safar kuma gali kartid dukumentiga safarka [resedokument] ama baasaboorka ajnabiga (främlingspass) oo xafiis dowlad iswiidhish bixisay).
  • Haddii aad dooneysid inaa u guurtid wadan kale oo eheen wadankaada hooyo waa inaa ka haysatid ruqsad degnaansho wadankas.
  • Adiga waa inaa fiiso, haddii loo baahanyahay, ka haysatid wadamada aad mareysid inta aad safarka tahay.
  • Marka aad Iswiidhan ka guurtid Hey’adda socdaalka dib bey kaaga ceshan ruqsada degnaanshada iyo derejada baahi u qabida difaac, waa haddii laguu aqoonsaday.

Sidaan baa usoo codsan lacagta kaal­mada

Haddii aad dooneysid lacagta kaalmada inaa soo codsatid waxaa buuxin foomka la dhaho Codsashada lacagta kaalmada oo ka safarida Iswiidhan iyo u guurida wadan kale [Ansökan om bidrag för resa från Sverige för bosättning i annat land]. Waa muhiim in adiga soo gudbisid foomka codsiga dhameystiran.

Codsashada lacagta kaalmada oo ka safarida Iswiidhan iyo u guurida wadan kale, blankett 4453 ( Pdf, 1.2 MB, opens in new window.oo waa iswiidhish Pdf, 1.2 MB, opens in new window.) Pdf, 1.2 MB, opens in new window.

Codsiga usoo dir:

Migrationsverket
Box 3100
903 03 Umeå

Adiga waa inaa xita soo raacisid

  • koobi oo boggyada baasaboorkaada ey ka muuqato ilaa xilliga ansaxsanyahay iyo warbixintaada shaqsiga. Haddii qoyskaada ey ku raaci waa inaa xita soo dirtid koobi oo baasabooradooda
  • koobi oo warqada wargalinta ansaxinta canshuur bixinta oo Hey’adda canshuuraha, tii ugu dambeysay, oo adiga iyo dadka qoyskaada kamid ah oo 18 sano ka weyn
  • qoraal oo oggolaansho. Haddii isla wada dhasheen idinka dhaxeeyo iyo canuga wadanka ka tagi iyo raaci hal waalid waa in waalidka kale oo sii joogi Iswiidhan bixiyo oggolaansho
  • koobi oo go’aanka ama wixii lamid ah oo muujin in adiga xaq u leedahay inaa ku noolankartid wadanka aad dooneysid inaa u guurtid. Arrintan waa kaliya haddii aad u guureysid wadan kale aanan eheen wadankaadii hoyo.

Lacagta kaalmad waxaa laguu soo shubi

Lacagta kaalmada waxaa laguugu soo shubi kontada bangigaaga xilliga aad safreysid.

Sidan bey arrinta u dhici marka aad codsiga soo dirsatid

Marka aad soo dirsatid codsashada lacagta kaalmada oo dib u noqoshada shaqaalaha baa u howlgali arrintaada iyo kaa caawin safarka dib u noqoshada.

Waa ku soo qori karta foomka soo codsashada tariikhiida aad dooneysid iyo Hey’adda socdaalka wey ku dadaali iney safarka xilligas ku aadiso ilaa intii suurtagal ah. Taariikhda safarka waan kaa la xaajoon marka aan howsha arrintaada ku mashquulsanahay.

Maya, lacagta kaalmada adiga waxaa laguu soo diri xilliga aad iswiidhan ka tageysid. Haddii dad qoyskaada kamid ah sii joogi markas ayaga lacagta kaalmada waxaa la siin xilliga qofkas Iswiidhan oo ka tagi.

Hey’adda socdaalka dib bey kaala noqon ruqsada degnaanshada[uppehållstillstånd] marka aad guurtid oo wadankale degtid.

Maya, adiga ma haysankartid ruqsada degnaanshada joogtada haddii aad wadankaada dib ugu guurtid adigoo soo codsan lacagta kaalmada.

Warbixin kale ka akhriso Ka guur Iswiidhan adigoo haysatid ruqsada degnaanshada

Haddii adiga aad heshay derejada baahi u qabid difaac oo qoxooti ama si kale baahi u qabid difaacid markii aad soo codsaneysay magangelyo, waa suurtagal xita in derejooyinkas dib loo ceshto marka aad soo codsatid lacagta kaalmada oo dib ugu guurida wadankaada. Qof si xor ah u doran inuu wadankiisa dib ugu guuro looma arkikaro inuu baahi u qabo difaac.

Markuu na soo gaaro codsigaada iyo adiga haysatid derejo difaacid qoxooti waxaan isla markas bilaabi baaritan oo dib ula noqosho derejada difaacida. Anaga waxaan kuu soo diri warqad aan ku leenahay soo ka soo jawaab aragtidaada markey noqoto inaa dib ula noqon derejada difaacida qoxooti. Haddii aadan warqadas ka soo jawaabin anaga waxaan u micneysan in adiga raali ku tahay iyo anaga markas dib baa kaala noqon derejada difaacida qoxooti aad haysatid marka lagu siiyo lacagta kaalmada dib u guurida.

Adiga waa soo codsankarta ruqsada degnaanshada markale. Codsigaada waxaa keeni safarada iswiidhishka kuugu dhow. Koow waa inaa heshid ruqsada degnaanshada iyo markas kadib baa Iswiidhan usoo safri karta. In adiga aad ka heshay lacagta kaalmada dib u guurida Hey’adda socdaalka wax qiimo ma lahaaneyso xillig aan codsigaada tijaabin.

Last updated: