Waxyaabahan ku fikir inta aad guurin

Att tänka på innan du flyttar – somaliska

Adiga oo ku fikiri, ama ka go’aan qaatay, inaa Iswiidhan ka guurtid waxaad si weeydiin su’aalo badan. Anaga waxaa dooneynaa in adiga kaa caawino gaarida go’aan sal leh, iyo waxaa dooneynaa inaa ku xasuusino dhowr wax oo muhiim ah inaa ku fikirtid.

Waxyaabahan ku fikir inta aad guurin

Adiga oo ku fikiri, ama ka go’aan qaatay, inaa Iswiidhan ka guurtid waxaad si weeydiin su’aalo badan. Anaga waxaa dooneynaa in adiga kaa caawino gaarida go’aan sal leh, iyo waxaa dooneynaa inaa ku xasuusino dhowr wax oo muhiim ah inaa ku fikirtid.

Caafimaadkaada

  • Ka wardoon nidaamka ey u shaqeeyan isbitaalka iyo daryeelka caafimaadka oo wadanka aad qorsheynesid inaa ku guurtid.
  • Ka wardoon in daawooyinka aad u baahantahay meesha laga iibsankaro.
  • Ka wardoon in qalabka kaalmada aad u baahan doontid laga helo halkas.
  • Ka wardoon tallaalada aad u baahantahay inta aad guurin ka hore.
  • Dalbo koobi buugaada caafimaadka iyo wixii kale warbixin caafimaad aad isleedahay wey fiicantahay inaa horey usii qaadatid. Waa arrin wanaagsan in warqadaha aad sii turjumatid haddii aad isleedahay inaa u baahandoontid.

Shaqo

  • Ka wardoon Xafiiska suuqada shaqooyinka haddii ey kaa caawin karan aqoon kuu sii diyaariso shaqo oo wadanka aad u guureysid.
  • Soo aroorso, shahaadooyinkaada, caddeymaha waxbarashooyinka aad dhigatay iyo dadka kuu noqonkaro tixraac oo saameyn ku yeelan karo fursadaha shaqo mustaqbalkaada. Wey fiicantahay in warqadan aad turjumatid haddii aad isleedahay inaa u baahandoontid.
  • Suubso liis oo dadka aad isleedahay iney qiimo kuu leeyahiin inaa xiriir Iswiidhan kala sii lahaatid, tusaale ahaan shaqo iyo iskuul.
  • Haddii aad heshay martiqaad shaqo oo wadanka aad u guureysid waa muhiim inaa heshid warqada caddeynta wada heshiinta shaqadas oo shaqo-bixiyaha cusub.

Iskuulka

  • La xiriir xafiiska dowlada oo wadanka u guureysid si aad u heshid warbixin nidaamka waxbarashada wadankas.
  • Dhammeystiro shahaadooyinka aad u baahantahay si aad waxbarashadaada uga sii wadankartid wadanka cusub.
  • Iska hubi in waxbarashada, shaqo tababarida ama wixii la mid la aad iswiidhan ku suubisay iney ansaxsanyahiin iyo laguu xaqiijiyo.
  • Soo aroors shaqaado iyo caddeymo waxbarasho oo iskuulada ama koorsooyinka aad dhigatay.

Ammaan

  • Ka wardoon sida ey kuu saameyn sharciga ka jiro wadanka aad u guureysid. Si aad caawinad u heshid la xiriir safarada wadankas oo meesha kuugu dhaw.
  • Ka wardoon waxyaabaha aad xaqa iyo waajibka oo wadanka aad u guureysid.
  • Raadso warbixin oo halista ka jiro karto dhulka wakhti hore ka hore la isku dagaalay, tusaale ahaan miino iyo gantaalo.
  • Raadso warbixin oo wixii khilaafyo iyo naceeyb qabiil wali ka tagaan wadankas.

Guriga aad ku leedahay Iswiidhan

Guriga oo wadanka aad u guureysid

  • Ka wardoon suuqa guryaha sidoo yahay.
  • Iska hubi inaa haysatid warqada mulkiilaha ama warqada wada heshiinta guri kireynta oo guriga aad u guureysid iyo aad xalisid wixii warqado sharci oo lagaa dooni.
  • Iska xali wixii dajactir iyo suubin gurigaas u baahanyahay wakhti hore.
  • Ogeysii ciwaankaada cusub saaxiibadaa, qaraabo iyo dadka kale aad u baahantahay inaa xiriir la lahaatid.

Dhaqaalaha oo Iswiidhan

  • Ka wardoon Xafiiska ceymiska bulshada[Försäkringskassan] xeerarkooda oo keydinta lacagta howlgabka, lacagta bukaan jiifka, lacagta kaalmada carruurta iyo lacagaha kale la helo markuu qofka dib u guuro. Iyo xita ka wardoon dheefahaan sida ey noqon haddii aadan eheen muwaadin iswiidhish.
  • Iska bixi haddii deyn lagugu leeyahay, ama wada heshiis qeyb-qeyb u bixin la kal inta aadan bixin ka hore.
  • Ka dalbo lacagta kaalmeynta dib u guurida wadanka hooyo Hey’adda canshuuraha[Migrationsverket].

Inta ka akhriso lacagta kaalmada dib u guurida wadanka hooyo

Dhaqaalaha oo wadanka aad u guureysid

  • Ka wardoon sida uu yahay nidaamka ceymiska bulshada oo wadanka aa u guureysid, tusaale ahaan wada heshiinta, magdhabka howlgabka iyo lacagaha kaalmada.
  • Ka wardoon sida uu yahay nidaamka waxbarashada iyo iskuulada, tusaale ahaan haddii ey yahiin bilaash ama la bixiyo lacagta waxbarashada ama lacagaha samafalka la siiyo ardeyda.
  • Ka wardoon haddii adiga xaq u leedahay lacag kaalmo ama qiimo jabin kharashka sida tusaale ahaan kiro guri, shirkad furid ama how bulsho urureed.
  • Ka wardoon haddii ey jiran ururo samafal oo bulshada wax taro oo wadankaada cusub oo adiga ku caawinkaro.

Safarka

  • Safarka wakhti hore sii qorsheyso iyo gadiidka kuu qaadi lahaa maacuunta inta safarka la gaarin ka hore.
  • Diyaarso ceymisyada muhiimka ah markey noqoto safarka iyo gadiidka safarka.
  • Isku soo aroorso dhammaan dukumentiyada adiga u baahantahay, sida camal baasaboorka, warqada caddeynta warbixinta shaqsiga, kaarka aqoonsiga, liiska baabuurka, shahaadooyin waxbarasho, liisa aqoonta iyo khibradahaada(CV), warqada canshuur bixintii ugu dambeysay, warqadaha kastumka iyo wixii lamid ah.

Hamiga ka leedahay dib u noqoshada

Si toos uga la sheekeyso qoyska qorshaha dib u noqoshada iyo waxyaabaha qofka arrinta ka rajeynaayo. Waxaa si qaas muhiim u ah inaa carruurta kala sheekeysatid. Waxaa suurtagal ah in ayaga ey Iswiidhan ku koren iyo u baahanyahiin inaa ka caawisid fahmid arrinta dib u noqoshada.

Waxaa xita muhiim ah in qoyska iyo qaraabada kale oo joogo wadanka aad dib ugu noqoneysid inaa u sii sheegtid inaa wadanka dib ugu soo noqoneysid. In qoyskaada iyo qaraabada ogeysiisid safarka ka hore waxey kuu fududeyn qorshaha.

Xita ka wada hadla saameyn suurtagalka ah haddii dib u noqoshada eysan suurtagalin hirgalinta go’aanka dib u noqoshada, ama xaalada noqon sidii aad dooneyseen.

Last updated: