Qoraalkan waxa uu ku saabsan yahay dalbashada magangelyo ee Iswiidhan iyo nolosha halkan – Filimaan loogu talagalay carruurta yaryar
Att söka asyl i Sverige och om livet här – filmer för yngre barn – somaliska
Filimaantaan waxay ka hadlayaan waxa dhaca marka adiga iyo qoyskaaga aad magangelyo (ama difaac) ka dalbataan Iswiidhan, sida ay u dhacdo iyo sababta laga yaabo in lagu waydiiyo su’aalo adag. Waxaad sidoo kale wax badan ka baran kartaa nolosha Iswiidhan iyo xuquuqaha aad leedahay.
Filimaantaan waxaa loogu tala galay carruurta ay da'doodu u dhaxayso qiyaastii 7 ilaa 11 sano. Waxaa fiican inaad filimaantaan la fiirsato qof weyn oo aad wax ka waydiin karto haddii ay jiraan wax aad fahmi waydo.
Inaad magangalyo dalbato
Sida loo maro geeddi-socodka codsashada magangalyada iyo waxa dhaca kadib.
Xuquuqda in lagu dhageysto
Dadka waaweyn waa inay ku dhageystaan marka aad ka sheekeynayso wixii aad soo martay.
Dareenka
Way adkaan kartaa in la sugo go’aanka ka yimaada Hay’adda Socdaalka.
Nolosha Iswiidhan
Dhammaan carruurta waxa ay xaq u leeyihiin inay dareemaan nabadgelyo oo ay yeeshaan nolol wanaagsan.
Adigaaga ah qof weyn oo muhiim ah
Filimaantaan loogu tala galay carruurta waa qayb ka mid ah barashada hordhaca ah ee bulshada ee loogu talagalay dadka magangelyo doonka ah. Waxyaabaha ku jira filimaantaan waa kuwo u dhigma waxyaabaha dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah ay ka bartaan tababar hal maalin ah oo uu bixiyo Xafiiska Socdaalka. Filimaantaan waa loo habeeyey carruurta, laakiin waxaa ka imaan kara su’aalo ay carruurtu u baahan karaan in ay la wadaagaan qof weyn. Waxaa wanaagsan inaad filimaantaan la daawato cunuga, kadibna si wadajir ah uga wada sheekeysataan su’aalaha soo baxa.
Ma la kulantaa carruur waaweyn xatta? Macluumaad faahfaahsan ayaa ku jira qoraalka bogga Adigaaga ah cunug oo magangelyo dalbaday.
Sannadkii 2021, Dowladda Iswiidhan ayaa waxay Hay'adda Socdaalka siiyay hawl ah inay diyaariyaan barashada hordhaca ee bulshada ee loogu talagalay dadka magangelyo doonka ah. Barashada hordhaca ah ee bulshada waxay waajib ku tahay dadka magangelyo doonka ah ee jira 15 sano iyo ka weyn, waxaana ku jira macluumaad ku saabsan habka magangelyada, sharciyada Iswiidhan, dimuqraadiyada, xeerarka iyo qiyamka bulshada. Hawshan waxaa sidoo kale lagu daray inay bixiyaan agab macluumaad oo loo habeeyey carruurta.