Filimo ku saabsan dalbashada magangelyo iyo nolosha Iswiidhan – hordhac bulsho oo loogu talagalay carruurta yar-yar
Filmer om att söka asyl och om livet i Sverige - samhällsintroduktion för yngre barn – somaliska
Hadda waxaa jira filimaan carruurta u sharxaya waxa dhaca marka ay magangelyo ka dalbadaan Iswiidhan iyo sababaha keeni kara in ay ka jawaabaan su’aalo adag. Carruurtu sidoo kale waxay wax badan ka baran karaan nolosha Iswiidhan, xuquuqda carruurta, iyo sharciyada loogu talagalay in carruurta lagu ilaaliyo.
Waxyaabaha ku jira filimaantaan waxay u dhigmaan waxa dadka waaweyn ee magangelyo doonka ah ay ku bartaan barashada hordhaca ah ee bulshada ee lagu bixiyo si afka ah. Filimaantaan waa loo habeeyey carruurta, laakiin waxa ku jira waxay keeni karaan su’aalo ay carruurtu u baahan karaan inay kala hadlaan qof weyn. Waxaa fiican inaad filimaantaan la fiirsato qof weyn oo aad wax ka waydiin karto haddii ay jiraan wax aad fahmi waydo.
Filimaantaan waxaa lagu heli karaa luqadaha af-iswiidhish, af-ingiriis, af-carabi, daari, af-ruush, af-soomaali, isbaanish, iyo af-tigree.
Akhriso boroseeska magangalyada iyo nolosha Iswiidhan - waxaa loogu tala galay carruurta waaweyn.
Sannadkii 2021, Dowladda Iswiidhan ayaa waxay Hay'adda Socdaalka siiyay hawl ah inay diyaariyaan barashada hordhaca ee bulshada ee loogu talagalay dadka magangelyo doonka ah. Barashada hordhaca ah ee bulshada waxay waajib ku tahay dadka magangelyo doonka ah ee jira 15 sano iyo ka weyn, waxaana ku jira macluumaad ku saabsan habka magangelyada, sharciyada Iswiidhan, dimuqraadiyada, xeerarka iyo qiyamka bulshada. Hawshan waxaa sidoo kale lagu daray inay bixiyaan agab macluumaad oo loo habeeyey carruurta.